Dhageyso+Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqday Wasaarada Gaashaandhiga

0

daMuqdisho:(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kormeer ku tagay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaalia.

Xasan Sh Madaxweynaha Soomaalia ayaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaalia oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Adkeenta Amaanka Muqdisho iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sh ayaa kula dardaarmay Ciidamada Milatariga Soomaalia in ay dalkooda Daacad u noqdaan islamrkaana Shacabka Soomaaliyeed ay ka Rogaan Heeryada Argagixisada ee saran.

Intaa kadib ayaa Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sh.Maxamuud waxaa uu Booqasho ku sameeyey Qeybaha ay ka kooban tahay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaalia,asagoona si gaar ah ugu Mahadceliyey Ciidamada Qalabka Sida Meelkasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaalia Mudane Xasan Sh ayaa Hada kulamo Gaar ah Xaruunta Wasaarada Gaashaandhiga kula leh Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaalia,inkastoo aan si Cad loo ogeeyn wax yaabaha ay kawada Hadlayaan.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Madaxweynaha


sa1 da2 da3 da4 da5 da6 da7 da8 da9 da10 da11 da12 da13 da da15 da14

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com