Xaalad Adag Oo Soo Food Saartay Ganacsatada Soomaalida Ee Dalka Koonfurta Suudaan.

0

Juba-South-SudanJubba (AGGM): Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfurta Suudaan ayaa waxaa saameyn culus ku yeelatay dagaalada qasaaraha badan dhaliyay ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka dalkaasi oo ay isaga horjeedaan kooxaha mucaaradka ah iyo dowladda wadankaasi oo uu hogaamiyo madaxweyne Salva Kiir.

Ganacsatadani ku sugan magaalada Jubba ee xarunta dalka koonfurta Suudaan iyo gobolada wadankaasi ayaa waxaa hakad ku yimid howlahooda ganacsi, iyadoo maalma badan goobahooda ganacsi aysan furanin Soomaalidaasi, iyagoo ka cabsi qaba in boob loo geysto hantidooda maadaama wadankaasi uu ku jiro marxalad fowdo ah.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan wadankaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in saameyn culus ay ku yeelatay dagaalada u dhexeeya dowladda wadankaasi, iyo mucaaradka ka gadoodsan kala darista golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka koonfurta Suudaan, maalma dhowr ahna aynan ku ganacsan halkaasi, waxaana caqabad hor leh uu ku tilmaamay haddii ay sii socdaan dagaalada in howlahooda ganacsi ay gudcur galayaan.

Wasiiradda arrimaha dibadda IGAD oo maalma ka hor gaaray magaaladaasi ayaa kulamo kala duwan la qaatay mucaaradka hubeysan iyo madaxweynaha dalkaasi, waxaana la kala dhex dhigay xabad joojin iyadoo weli ay sii socdaan waa waanta laga dhex wada labada dhinac ee ku hardamaya dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com