Top News: Mikhail Kalashnikov Oo Ah Ninkii Sameeyay Qoriga AK 47 Oo Geeriyooday.

0

KalashnikovMoscow (AGGM): Ninka lugu magacaabo Mikhail Kalashnikov oo ahaa ninkii hindisay sameynta Qoriga ay sida weyn u isticmaalan Dowalddaha iyo maleeshiyaadka wadamada Afrika gaar ahaana kuwa Soomaalida ee AK 47 ayaa goor dhoweyd geeryooday,sida ay baahinayaan caawa Wakaaladaha iyo Taleefishanadda Caalamka.

Mikhail Kalashnikov oo geeryodey caawa ayaa waxaa uu u dhashey dalka Ruushka,waxaana xilligii uu geryoodey ahaa 94-jir.

Geeridiisa ayaa waxaa si weyn looga hadal hayay wakaaladaha iyo Taleefishinadda Caalamka,waxaana inta badan ay soo xiganayeen warar an ninkaan ka diyaariyen ITAR-TASS News Agency oo laga leeyahay dalka uu Ninkaasi u dhashay ee Ruushka.

Isku soo wada duuboo Ninka geeriyoodey waxaa wali dunidda haraadi ku ah xasuustiisa maadamaa Qoriga uu sameeyay ee AK 47 oo ku baahsan dalalka Caalamka,waxaana sidoo kale lugu xasuusan dooona geerida Malaayin ruux oo ku dhintay qoriga uu sameeyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com