War Cusub: Koofurta Kuuriya Oo Ciidamo U Soo Direysa Xeebaha Soomaaliya.

0

17Muqdisho (AGGM): Guddiga amaanka ee baarlamaanka wadanka Koofurta Kuuriya ayaa meel mariyay  qaraar dhigaya in la kordhiyo tirada ciidamada ka jooga xeebaha Soomaaliya ayadoo waqtigana loo kordhiyayay.

Fadhi ay gudigaan ku yeesheen magaalada Seuol ee caasimada u ah wadanka Kuuriyada Koofureed ayaa waxay ku sheegeen in la anssixiyay in ciidamo hor leh loo soo diro xeebaha Soomaaliya kuwaasoo la dagaalamio doona burcad badeeda Soomaalida waxaana ay ku biirayaan ciidamada dawladaas ka jooga biyaha Soomaaliya.

Qaraarkaan oo tirsigioisu yahay 130 ayaa waxaa uu dhigayaa in ciidamo si gaar ah u tababaran loo soo diro badaha Soomaaliya waxaana sidoo kale guddigaan ay meel mariyeen waqtiga ciidamadaan biyaha Soomaaliya ka howlgali doonaan oo la gaarsiiyay dabayaaqada sanadka soo socda ee 2014,ka

Gudiga amaanka ee baarlamaanka Koofur Kuuriya ayaa sidoo kale ansixiyay ciidamo kale oo loo diro wadamada Afghanistan iyo isku tagga Imaaraatka Carabta.

Ciidamo badadeed ka kala socda dhawr wadan oo caalamka ah ayaa biyaha Soomaaliya ku sugan kuwaasoo ujeedkooda ku sheega la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com