Dhageyso: Ugaaska Beesha Biyamaal “Dowladda Waxey Isu Keentay Rag Saaxiibo Ah Oo Muqdisho Hotel Wada Dagan”.

0

Ugaas-axmed-ugaasMuqdisho (AGGM): Dagaal u dhexeeyay labada beelood ee Wadadhashay islamarkaana wada daga gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa uu dhawaan ka qarxay degaanka N 50 dagaaladaasi ayaa waxa ay reebeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugaaska Beesha Biyamaal Ugaas Axmed Sayid Cali ayaa waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inaysan isa soo hor fadhiisin dadkii saxda ahaa ee u bahnaa in dib u heshiisiinta loo sameeyo ama la dhex dhexaadiyo, balse ay Dowladdu Muqdisho kasoo aruurisatay dad aan iyagu u dhexeeyn wax dagaal ah amaba aan ahayn dadki dirirtu dhexmartay islamarkaana ah Rag Saaxiibo ah.

Sidoo kale Ugaas Axmed ayaa sheegay inaysan ka warqabin wafdi ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya oo shalay soo gaaray deegaanada gobolka Shabellaha hoose si ay u dhex dhexaadiyaan beelalaha Wada Dhashay ee ku dagaalamay dhawaan gobolka Shabeelaha Hoose.

“Wax aan kala socono malahan wafdiga soo gaaray gobolka Shabellaha hoose,inaga waan taageersanahay xabad joojinta laakiin waxay noola muuqataa mid aan meel dheer gaareyn”.

Wafdigan isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay gaaray deeganadii ay wax ka dhaceen si ay xal ugu raadiyaan dadkii dagaalamay.

Isku soo wada duuboo Dowaldda Soomaaliya ayaa sidan iyo si la mid ah waxaa mar walba lagu eedeeyaa inaysan beelaha dirira u marin wadada saxda ah ee Dib U Heshiisiinta, waxaana mar walba lagu eedeeyaa inay Rag Hotelada magaalada Muqdisho ku sugan ay soo arurusato, eedeeyntan ayaa noqonayn eedeeynti ugu Horeysay amaba u dambeysay ee loo jeediyo Dowladda Soomaaliya, waxaadna moodaa Dowaldda Soomaaliya inay dhagaha ka fureysanayso eedeeymaha uga imaanaya qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed doorbidana mar walba in ay wadadaas qaldan u maraan xalinta Khilaafaadka beelaha.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Ugaaska Beesha Biyamaal

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com