Dhageyso: Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Oo Ka Warbixiyay Shirka Midnimo One Ee Ka Dhacaya Gobolka Gedo.

0

ugaas-Maxamed-Ugaas-Cumar-300x225BaledXaawo (AGGM): Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska Guud ee beesha Sade ayaa waxa uu ugu horayn sheegay in Gobolka Gedo ay ka socoto qabanqaabo balaaran oo logu jiro qabsoomida Shirweynaha Midnimo One kaas oo ay iskugu imaan doonaan Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo Qurbajoogta  beesha Sade.

Ugaaska Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Shirkaani ay ka soo qayb gali doonan dhinacyo badan sido kale waxaa uu sheegay in Shirkaan dalka dibadiisa loga iman doono waxaana uu intaasi ku daray in shirkaani laga soo saari doono Go,aan midaysan.

Sidoo kale Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxa uu ka waxa uu sheegay moowqifka beesha Sade ee ku aadan maamulada isbarbar yaaca ah ee Jubba iyo kan cusub ee dhawaan looga dhawaaqayo magaalada Baydhabo.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga..

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com