Dhageyso: Sii Hayaha Wasaarada Gaashaandhiga Oo Ka Warbixiyay Safarkiisa Shabeelaha Hoose.

0

Fiqi222Muqdisho (AGGM): Sii Hayaha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanadaasi ay hishiis kala dhex dhigeen haddana meel wanaagsan ay u mareyso arrimihii gobolkaasi ay u tageen.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay labada dhinac in ciidamo AMISOM ah ay kala dhex dhigeen, ayna qorsheynayaan sidii jid gooyooyinka yaala gobolkaasi ay u qaadi lahaayeen si amniga guud loo ilaaliyo.

Sii Hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose in nabadda ay qaataan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo xasilooni daro keeni karo, waxaana dhinaca kale uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hey’adaha ammaanka si loo gaaro nabad iyo barwaaqo sahli karta in dadka ay ka faa’ideystaan kheyraadka gobolkaasi uu hodanka ku yahay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose ka socday dagaalo qasaaro badan dhaliyay oo u dhexeeya maleeshiya beeleedyo. Iyadoo wafdiga Dowladda ka tirsan ee shalay gaaray gobolkaasi ay qeyb ka yihiin dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in la joojoyo colaad beeleedyada ka soo cusboonaday qaar ka mid ah gobolada dalka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Sii Hayaha Wasaarada gaashaandhiga

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com