Top News: Gobolka Mudug Oo Laga Soo Dhoweeyay Ansixinta R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolka Mudug ayaa soo dhoweeyay ansixinta magacaabista raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo shalay hor-tagay baarlamaanka.

Qaar ka tirsan dadka ku nool gobolka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in raysul wasaaraha cusub uu wax badan ka qaban doono dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Waxay tilmaameen in sidoo kale ay ka filanayaan raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu soo magacaabo wasiirro tayo leh oo sii xoojin kara dadaallada nabadda iyo horumarka ka socda dalka.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay raysul wasaaraha cusub oo toddobaadkii hore uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com