Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee JF Soomaaliya Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Hawl-wadeenada Xafiiskiisa.

0

IMG_8657Muqdisho,(AGGM): Ra’iisul Wasaaraha hore ee XukuumaddaFederaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay hawl-wadeenada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxana kulankan uu mudane Cabdi Faarax Shirdoon ku ammaanay shaqadii iyo dadaalkii ay muujiyeen dhamaan hawl-wadeenada xafiiska, isagoo ku boorriyey in ay laba-jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

“ Maanta aniga ayaa codsaday in aan idinla kulmo, waxaan doonayaa in aan aqoonsado shaqadii wanaagsanayd ee aad ila soo qabateen, waxaan qirayaa in la’aantiin aanan waxba qabteen. Dhammaan shaqada dowladdu laga soo bilaabo hoos ilaa kor waa kuwo is-kaabaya , shaqa kasta muhiimad ayey leedahay waana aqoonsanahay. Waxaan idiin rajaynayaa nasiib wacan, mustaqbal ifaya iyo inaad u sii shaqaysaan qaranka Soomaaliya” Sidaas ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hawl-wadeenada uga warramay geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay intii uu xafiiska soo hayey uu ku dadaalay adkaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo inuusan marnaba qaadan go’aan lid ku ah qaranimada dalka. Mudane Saacid waxa uu kula dardaarmay hawl-wadeenada xafiiska in ay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan, isagoo u rajeeyey nasiib wacan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah hawl-wadeenada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo tilmaamay in uu wax badan u soo qabtay dalkiisa.

“ Tan iyo xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaan joogay Xafiiskan oo ka shaqaynayey, taariikhda cidna been kama sheegi karto iyadaana is qorta, dhinacyo fara badan ayey xukuumadda Saacid wax ka qabatay” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon oo goobta ka hadlay.

Dhammaan xubnihii kale ee hadlay ayaa iyaguna qiray waxqabadkii iyo hufnaantii mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo ka dalbaday in maadaama uu markii horeba uu u shaqaynayey Soomaaliya uu halkiisii ka sii wado shaqada qaranka iyo u-adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

IMG_8636 IMG_8599 IMG_8581 IMG_8580 IMG_8570 IMG_8658 IMG_8657

Cabdirashid Muse Saciid
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadisho-Somalia
Email- media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com