Top News: Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka Oo Kaalmo U Qeybisay Dadkii Ku Baracakay Fatahaada Webiga Shabeelle.+Sawirro

0

IMG_4628Jowha:(AGGM) Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq gar gaar ah u qeybisay qoysaksii ku barakacay dagaalada iyo fatahaadda webiga Shabeelle oo ku sugnaa duleedka magaalad Jowhar.

Deeqdaani ayaa waxaa  ka faa’iideystay in ka badna 27,000 oo qoys, waxayna kaalmadaasi isugu jirtay bur bariis, sonkor saliid, baasto iyo waxyeebo kale Dr C/xamiid Suleymaan oo ku hadlayay magaca hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa Warbaahinta uga warbixiyay gar gaarkaasi ay maanta u qaybiyeen qoysaskii ay saameysay fatahaadda webiga Shabeelle.

“Khaliifa Bin Sayid Al Nahyaan oo ah Madaxweynaha dowladda Imaaraadka ayay ka timid gar gaarkaan, waxaana loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaada webiga Shabeelle, kaalmooyinka nuucaani ah way soo socon doonaan, mashruucyo horumarineed ayaan ka hirgelin doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka” ayuu hadalkiisa ku daray.

Qaar ka mid ah dadkii la gaarsiiyay kaalmadaasi ayaa ka mahadceliyay gurmadka ay u fidisay hay’adda bisha cas ee Imaaraadka, kuwaasi oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada maanta loo qaybiyay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka mahadceliyay kaalmadaasi, waxaan uu xusay in deeqdaaasi ay ahayd tii
ugu badneyd ee gobolka la gaarsiiyo “Deeqdaan wax badan ayay ka tari doontaa dadkan dhibaateysan ee aad arkaysaan, waxaana Dowladda Imaaraadka ugu abaal gudeynaa dhul beereed oo aan siin doono, si ay uga faa’iideystaan oo ay u maalgashadaan” ayuu Cabdi Jiinow hadalkiisa ku daray.

Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku dadaaleyso sidii hay’adaha ay gacan ugu siin lahayd in dadka dhibaateysan kaalmo loo fidiyo.

Horey waxay bisha Cas Imaaraadka Carabta kaalma nuucaan oo kale ah ka qeybiyeen Muqdisho iyo Afgooye oo ay afuriyeen bishii Ramadaan 25,000 oo qoys, waxayna raashinkaan ay maanta qeybiyeen ay ahayd 27,000 oo kartoon, iyadoo Bisha cas Imaaraadka ay noqotay tii ugu gurmad balaarneyd ee Jowhar wax ka qaybisa tan iyo markii uu fatahaada ka geystay webiga shabeelle deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay ku barakaceen qoysas aad u fara badan.

IMG_4566

 

IMG_4659IMG_4547IMG_4628

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com