Dhageyso: Khudbadi Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Fadhigii Baarlamaanka.

0

sow16Muqdisho (AGGM): Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maaanta u dareeray golaha shacabka si ay codka kalsoonid au siiyaan R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saakay horgeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Fadhigii maanta oo uu shirgudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa waxaa codka kalsoonida ah siisay 239 mudane halka 2 Mudane ay diideen islamarkaana ay ka aamuseen 2-xildhibaan sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari Afheyeenka Baarlamanka.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Jamhuuriyada Fderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu fadhiga maanta ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com