Dhageyso: Col. Warfaa Sheikh “Maxuu Ka Yiri Al Shabaab Iyo Shirka Maamulka Lagu Dhisayo Ee Magaalada Baydhabo”.

0

warfaa-240x3001Ceelwaaq (AGGM): Col.Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee deeganada Jubbooyinka iyo Gedo oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka howlgalo Gedo laga sameeyay iyo shirka Baydhabo ka socda ee la doonayo in maamul loogu sameeyo lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warfaa ayaa ugu horayn sheegay Ciidamadda howlgal ay ka sameeyeen deeganada Miyiga ee gobolka Gedo inay uga hortageen dhibaatooyin ay dadka reer Miyiga ah u gaysanayeen Kooxda Al-shabaab kuwaaso dadka si qasab ah uga qaadanayay waxa ay ugu yeeraan Zakada.

“Meelo ay isku aruursadeen oo doonayen inay dadka xoolaha uga dhacaan ayaan ka cayrinay laakiin hadba meel ayaa lagu sheegayaan Ciidamadeenuse waxay wadayaan howlgal ay ku baacsanayaan kooxahaasi” ayuu yiri Col Warfaa sheikh Aadan.

Sidoo kale wuxuu rajo ka muujiyay degmada Baardheere iyo Burdhuubo oo Kooxda Al-shabaab uga suganyihiin gobolka Gedo degmooyinkiisa inay ka saari doonaan isla markaana ay Ciidamadoodu diyaar u yihiin sidii deeganadaasi u gaari lahaayeen.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Wareysiga Col Warfaa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com