Dhageyso:R/Wasaare Saacid” Oo Shir U Qabtay R/Wasaraha Cusub Abdiweli Iyo Beesha SADE Si Wayna Ulafa Guray “Arimo Xasaasi Ah.

0

cabdiwali-iyo-SaacidMuqdisho (AGGM): Ra’iisul wasaare Abdi Farax Shirdoon “Saacid ” ayaa waxaa uu casho u sameeyey Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed,xildhibaano kasoo jeeda beesha Sade iyo xubno uu ku jiro Ugaas Taakooy kuwaasi oo uu uga xogwaramayey xaalka siyaasada Dalka.

Cashada oo ka dhacday hoyga uu Saacid Farax ka degan yahay Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay Saacid Farax oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay Dr, Abdiweli Shiikh kadib markii isaga uu waayey kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

” Waxaan ku faraxsanahay in Dr, Abdiweli Shiikh uu noqday ninka iga badela booska aan hadda kasii degayo ee ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaana dhihi karaa waa shaqsi aqoon u leh inuu xilkan kasoo baxo” ayuu yiri Saacid Faarax oo la hadlayey Ra’iisul wasaaraha cusub iyo xubnaha Beesha Sade ee uu caawa kulanka la qaatay.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Saacid Farax inuu dalkan hogaamintiisa u baahan tahay dhabar-adeeg badan oo loo baahan yahay inuu muujiyo Dr, Abdiweli Shiikh, isagoona sheegay inuu shaqsi ahaan la shaqeyn doono wixii uu uga baahdo inuu ka caawiyo Ra’iisul wasaaraha cusub.

Waxaase uu Ra’iisul wasaaraha cusub uga digay siyaasiyiin uu sheegay inay dalka masiirkiisa ka dhigteen ganacsi,kuwaasi oo uu sheegay haddii uusan gacan bir ah isaga qaban inay marka danbe isaga dagaal adeg ay la geli doonaan. Isagoona si gaar ah usheegay inay ragaasi ku jireen xukuumadiisa kuwa wax ka burburiyey.

Xildhibaan Nuur Farax Jamac oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn laga dhex helo Saacid Farax iyo Dr, Abdiweli Shiikh taasi oo u horseedi karto buu yiri in isbadel muuqda laga dareemo xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono R/W cusub.

Wakiilka Ugaaska ee gobollada dhexe Taakooy oo dhankiisa ku hadlayey afka odayaasha dhaqanka beesha Sade oo ay labadan mas’uul ee xilka ku kala wareegeysa ay kasoo jeedaan ayaa sheegay in loo baahan yahay abuurista siyaasiyiin iyo bulsho iska warqabta oo sameeyaan labadan mas’uul.

Ugu daneyntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed Maxamed “Baardheere” kaasi oo sheegay inuu ku ammaanayo Saacid Farax howshii uu qabtay muddadii sanadka aheyd. Waxaana uu sheegay inuu isaga shaqsiyan ballanqaadayo inuusan Saacid taladiisa ka maarmi doonin oo ay fikrado badan kala qaadan doonan.

” Saacid Farax xilkii waad ka tagtay uguma hari doono ee waxaan ballanqaadayaa inuu talooyin badan oo dalka muhiim u ah aan la wadaago si waxa uu inagu biirinayo aan uga helno.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub ee aan wali ansixinta helin Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed.

Kulanka Xalay oo ahaa mid laba waji leh, kuwaasi oo kala ah qaabilaada labada nin ee xilka ku kala wareegeysa iyo beesha Sade oo ay kasoo jeedaan oo talooyin siineysa ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo midnimo.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

 

Shirka Labada Raiisulwasaare Iyo Beesha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com