Daawo Sawirada: Shirweyne Looga Arinsanayo Sixitaanka Iyo Mideynta Beesha Sade Daarood Oo Ka Furmay Gobolka Gedo.

0

P1020549Baled-Xaawo (AGGM): Kulan ay u dhan yihiin labada gole ee dhaqanka iyo siyaasada Gobalka Gedo ayaa si habsami leh uga furmey gudaha Degmada B/xaawo ee Gobalka Gedo, gaar ahaan Hoolka shirarka ee ku yaala Hotelka Daawo House.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Gudoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliin isla markaana uu Gudoonshey Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas xirsi ayaa la iskula soo qaadey sidii la isula garan lahaa hirgalinta shir-weyne ay u dhan yihiin wax-garadka Beesha sade daarood dhinacyada cuqaasha , culimaa,udiinka, siyaasiyiinta, qurbo-joogta oo ka kala imaandoona Dalka dibadiisa iyo gudaha oo laga xusey Muqdisho gudaha Gobalka Gedo iyo Jubada Hoose.

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo shirka Daah furey ayaa si qotto dheer u qeexay baahida sababeysa xiligan in la agaasimo shir-weyne la isugu keeno wax garadka Bulshada reer sade waxana uu u cuskaday qabashada shirkan in ay tahay labada dhan ee dhaqanka iyo siyaasada in ay haatan lagama-maar tahay in dib loo eego ka dib markii ay ku yimaadeen waayadan dambe qilaafaad salka ku haya dano faro galineed sida uu hadalka u dhigey Gudoomiyuhu.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Sheikh Maxamed Aw-libaax ayaa iyaguna ka Hadley goobta uu shirku ka socdey waxana ay badi hoosta ka xariiqeen in shirku ku soo beegmey xili loo baahnaa isla markaana waxay soo dhaweeyeen in loo midoobo horumarinta lalana xisaabtamo cid kasta oo kazoo horjeeda danaha lagu gaarayo tubta toosan.

Shirkan oo furmey 19/December 2013 ayaa sii socon doona ilaa 22 December 2013 maalinnimada Axada waxana haatan goob joog ka ah wax garad iyo siyaasiyiin laga xuley reer Gedo ayadoo la filayo in mudadaas maalmaha ah lagu fariisiyo jaan gooyada Gudi farsamo oo isaguna soo xuli doona Goobta Degmo ahaan lagu dhameys tiri doono shirkan iyo dhamaan qodobada aan looga maarmin farsamada Geedi socodka shirkaasi.

Ugu dambeyn waxaa shirka gudoonshey Ugaas Maxamed Ugaas Cumar oo duco iyo talo bixin badan ka baxshey sidii looga bixi lahaa kala daadsanaanta iyo habacsanaanta sida uu hadalka u yiri Ugaasku asagoo dhanka kale u mahad celiyey maamulka gobalka oo haatan u guntadey tilaabooyinka midnimada iyo suubinta masiirka umada uu xilkooda sido maamulku.

P1020549

P1020544

Maxamed-Cabdi-Kaliil

 

Xasan Maxamuud Xalane
Baled-Xaawo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com