Xukuumadda Somaliland Oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay Qoysas ay Puntland Ka Baro-kicisay Talleex

0

deeq-raashin-ahMuqdisho(AGGM) Xoghayaha Fulinta Degmadda Taleex ee Gobolka Sool Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), ayaa sheegay in dadkii ka baro-kacay degmadda Taleex ka dib weerarkii ay Puntland ku soo qaaday inay dhawaan deeq gaadhsiisay xukuumadda Somaliand, taasi oo uu u qaybiyay wasiiru dawlaha gobolladda barriga Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandule).

Faysal Xawte, oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Allgalgaduud, isaga oo joogay magaalada Taleex, waxa kale oo uu sheegay in dagaalkii ay ciidamadda maamulka Puntland 28-kii bishii hore ku soo qaadeen Taleex inay ciidamadaasi six un u hub culus ugu garaaceen dadkii deganaa halkaasi.

Xoghayaha Fulinta Degmada Taleex, Faysal Xawte, isaga oo ka waramaya sida ay tahay xaalada magaalada Taleex, waxa uu yidhi“Haddii aan kaaga waramo xaalladda Degmada Taleex, sida aan la wada socono waxaa ka dhacay dhibaato xoog leh, waxaana soo gaadhay burbur aad u faro badan, dadkii deganaana waxaa ku dhacay baro-kac, dadkii maatadda ahaa weli kuma soo noqon intoodii badnayd, laakiin raggii iyo odayaashii ayaa soo noqday, shir baana u socda odayaasha deegaanka, imika way iska degan tahay marka laga reebo dhibaatadaa hore eek u dhacday. Dadka ku dhintay waxaa xusid mudan in uu ku jiray wiil yar oo 3 sano jiray, sidoo kale waxaa ka mid ah haween iyo odayaal ay guryuhu ku dumeen, dad maato ah oo guryahoodii iska jooga ayaa noocyadda kala duwan ee hubka lagu furay oo aan look ala aabo yeelin, maamulka Farooel iyo Cabdisamad Cali Shirre ay hogaaminayeen”.
Waxa kale oo uu Xoghayuhu sheegay in deeq gargaar ah la gaadhsiiyay dadka ka baro-kacay Taleex, waxaanu uu yidhi “Waxaanu tagnay meesha la yidhaahdo Taleex iyo Laascaanood u dhaxaysa, waxaanu gaadhsiinay deeq madaxweynaha Somaliland ugu tallogalay dadka baro-kacay, oo dhamayd 1000 kiish oo raashin ah, kaasi oo ka koobnaa noocyadda kala duwan ee raashinka, wasiiru dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobollada barri, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaana halkan ka sii qaaday, todobaadkan aynu ku jirno ayay ahayd. Deeqdaasi oo ahayd mid hor-dhac ah, balse aan kefaynayn baahida meesha taala, xukuumada Somaliland qorshe cad ayay ka leedahay deegaanka, deegaankanina imika sidii hore ma aha, siyaasad dhinacyo kala duwan ah ayay ka leedahay, dhinac dhaqaale, dhinac milateri iyo dhinac horumarineed ayay ka leedahay qorshaha deegaanadaasi ku saabsan, in laga hirgeliyo. Reer Taleex wixii loo geystayna waa mid ay dadka reer Garoowe geysteen oo aanu maamul ahaan hadhaw kula xisaabtami doono”.

isaga oo faahfaahin ka bixinaya tirade dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay dagaalkaasi, waxa uu yidhi “Dadka Degmada Taleex ka baro-kacay waxay gaadhayaan ilaa 3500 oo qoys, waxay u qaxeen oo ay hadda degan yihiin deegaamadda Dhumay, Xalin, Qawlo iyo Deegaamadda ku dhaw, dad 5000 gaadhaya, ayaa baro-kacay cidi weli ma tiro koobin. Tiradda dadka ku dhintay waxay gaadhayaan 10 qof, oo laba wiil oo yaryar oo midna 2 jir yahay midna 3 jir ayaa ku jiray iyo dumar, dhaawacu waa 15 qof, dadka qaar guryaha ayaa ku dumay, markii lagu garaacay qoryaha loo yaqaano Jiibka, BTM, dhishiike, suug iyo kuwo kale, ciidamo wax ma garato ah oo uu hogaaminayay C/samad Cali Shire ayaa dadka laayay”.
Faysal Aw Jaamac Xirsi, waxa uu sheegay in sababtu ay ciidamada maamulka Puntland u soo weerareen magaalada Taleex inay tahay ka dib markii dadka deegaankaasi ay diideen inay raacaan maamulka Faroole, kana soo horjeedsadeen.

“Ka dib markii ay dadku maamulkooda diideen ee ay si toos ah uga hor yimaadeen maamulkaasi inay ka mid noqdaan ama xildhibaanadii oo hada la qorayo ay ka qayb nioqdaan ay diideen ayaana keentay in ay dadka si cadawtinimo leh u laayaan. Deeqda waxaa dadka baro-kacay loogu qaybiyay sida ay u kala liiteen markaa kuu qoys ayaa la gaadhsiiyay” ayuu yidhi Md. Xawte.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com