Top News:Cusub Ee La Magacaabay Dr. Cabdiweli Ayaa Cambaareeyey Dilkii Dhakhaaiirta Kana Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan (Sokorliin).

0

abdiweli sheekhMuqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.

Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada, laguna khal khal galinaya amniga.

“Waa fal laga argagaxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Bani’aadantinimada, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhaqaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda magaca ku leh, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaskii iyo qarabaadii ay ka baxeen dhaqaatiirtaas, waxaan sidoo kale la qaybsanaynaa murugada qoysaskooda, iyo asxaabtii ay is jeclaayeen, Eebana waxaan uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, iyagana Janadii Fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Sh. Axmed

Dhanka kale Dr. Cabdiweli ayaa tacsi taa lamid ah u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii kaga soo biiray golaha baarlamaanka dalka Jabouti sanadii 2009-ka, wuxuuna mudo ku xanuunsanaa magaalada muqdisho.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com