Top News: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyay Dilkii Dhaqaatiirta.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dil maanta loo geystay dhaqaatiir isugu jira Soomaali iyo Suuriyaan, xilli ay marayeen duleedka magaalada Muqdisho.

Saddex dhaqtar oo u dhashay dalka Suuriya, mid u dhashay Soomaali iyo labo qof oo ilaalo u ahaa ayaa ku geeriyooday weerar ay fuliyeen rag hubeysan.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) ayaa sheegay in madaxweynaha uu tilmaamay in kuwa ka dambeeya dilkaas ay yihiin kuwa kasoo horjeeda dowladnimo, sharci iyo nidaam ka hirgala dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in sharciga la hor keeni doono kuwa ka dambeeya dilka, isla markaana la marsiin doono ciqaab adag.

Wuxuu xusay in dhaqaatiirta Suuriyaanka ahaa ay dalka u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaalida ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Xasan Muxumad Cali oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com