Top News: Danjire Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Weerarkii Dhaqaatiirta.

0

Nicholas-Kay.Muqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dil maanta duleedka Muqdisho loogu gaystay lix qof oo afar ka tirsanaa ay ahaayeen dhaqaatiir.

Saddex ka tirsan dhaqaatiirta la dilay ayaa u dhashay dalka Suuriya, halka kan afaraad uu ahaa Soomaali.

Danjire Kay ayaa war qoraal ah ku sheegay in Soomaaliya ay weli la tacaaleyso dhisidda kaabayaasha caafimaadka, iyadoo ku tiirsan samafaleyaasha aan dowliga aheyn iyo shakhsiyaad ku shaqeynaya xaalad adag si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa u soo jeediyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sameyso baaritaan dhab ah, isla markaana ay caddaaladda hor keento gacan ku dhiigleyaasha ka dambeeya dilalka.

Wuxuu tacsi u diray ehelada iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen dhaqaatiirta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com