Top News: R/wasaare C/wali Sheekh Oo Maanta Kulamo La Leh Xildhibaanada Baarlamaanka.

0

abdiweli sheekhMuqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa bilaabay kulamo gooni gooni uu la qaadanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ka hor kulanka Maalinta Sabtida ee codka kalsoonida loogu qaadayo. Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si beel beel ula kulmayay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo qado sharaf ugu sameynayay Gurigii Habar Khadiija oo ah xarunta Nabadsugida Qaranka.

Kulamadan oo ahaa kuwo is barasho iyo kasbasho, si uu Xildhibaanada codka kalsoonida uga helo ayaa Xildhibaanada qaar waxay kula talinayeen inuu soo magacaabo Xukuumad tayo leh oo ka duwan Xukuumadihii dalka soo maray. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu si deg deg ah ku soo magacaabo Golaha Wasiirada, si Xukuumadii hore ay howsha ugala wareegto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay ka dalbadeen Ra’iisul wasaaraha in aanu Liiska Golihiisa Wasiirada ku soo darin Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid. Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan qaaday hadii uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka uu soo dhisi doono Xukuumad ballaaran oo wax ka qabata arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha iyo adeega bulshada.

Mid ka mid ah Xildhibaanadii la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Allgalgaduud Media  in si wanaagsan u soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha, una balan qaaday in Xukuumad tayo leh uu soo dhiso. Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa la filayaa marka uu Baarlamaanka ansixiyo inuu la wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu wadaa inay dhacdo munaasabad uu si rasmi Xafiiska ugala wareegayo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo 2-dii bishan December waayay codka kalsoonida Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Gudoonka Baarlamaanka ayaa dib u dhigay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha oo lagu waday in shalay oo Arbaco aheyd uu hor-tago Baarlamaanka, iyadoo dib u dhaca kulankii shalay lagu sababeeyay arrimo farsamo. Maalinta Sabtida oo Taariikhdu ku beegan tahay 21-ka December ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha hor-geeyo Ra’iisul Wasaaraha Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com