Dagaal ka dhacay Degmada Hilwaa

0

Iska horimaad Khasaaro geestay oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Kooxda Al shabab, ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Iska horimaadkaa, ayaa Xalay ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaaro soo gaaray labada dhinac ee Dagaalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu dhacay kadib markii Al shabab ay weerareen Saldhiga Ciidamada DFS ay ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha,waxaana uu socday Dagaalka mudo ku dhow 1 Saac,iyadoo markii danbe iskiisa u istaagay.

Ugu yaraan Labo Qof oo Labada dhinac ah ayaa ku dhintay Dagaalka,mana jirto wax War ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir.

Degmooyinka Hilwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile, ee Gobolka Banaadir waa Degmooyinka ugu Amniga xun, waxaana ka dhaca Dilal iyo Weeraro Joogto ah oo Al shabab ay ku qaadaan Xaruumaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.