Top News: Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Ka Codsaday Baarlamaanka Inay Kalsoonida Siiyaan R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

0

top-newsKampala (AGGM): Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Uganda ayaa ka codsatay baarlamaanka federaalka ee
Soomaaliya in Sabtida soo socota uu codka kalsoonida siiyo raysul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Abwaan Cabdullaahi Maxamed (Wardheere) oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa ka dalbaday golaha baarlamaanka in uu kalsoonida siiyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si uu sii gudo galo howlaha hor-yaalla.

Maxamed Dhaqane Nuur oo isna ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee Uganda ayaa baarlamaanka Soomaaliyeed ku boorriyay inuu si deg-deg ah codka kalsoonida u siiyo raysul wasaaraha magacaabay, isagoo raysul wasaare Cabdiweli u rajeeyay in uu la yimaado wax-qabad dhab ah.

Raysul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed ayaa haddii xildhibaannada baarlamaanka ay siiyaan codka kalsoonida waxaa looga fadhiyaa shaqooyin badan oo ay ka mid tahay wax ka qabashada ammanka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com