Top News: Faroole Iyo Musharixiinta Puntland Oo Kulan Uga Socdo Garoowe.

0

garGaroowe (AGGM): Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa waxaa ka furmay kulan ay wada leeyihiin musharaxiinta madaxtinimada maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha iminka talada kasiidaagaya ee isagana ah musharaxa, waxaana ujeedka kulanka uu yahay xalinta khilaaf ka dhextaagan musharaxiinta Puntland iyo Faroole.

Arinta la isku khilaafsan yahay, ayaa ah guddi dhawaan Madaxweynaha Puntland uu usoo magacaabay xalinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland, taasi oo si adag ay kaga horyimaadeen musharaxiinta.

Dhanka musharaxiinta waxa ay iyagana ku dhawaaqeen guddi kale oo lamid ah kii Faroole uu horay ugu dhawaaqay, waana mida keentay in hada laga shiro arintaasi.

Kulanka ayaa ka socda Madaxtooyada Puntland, waxaana la sugayaa natiijada ay isku afgartaan Madaxweynaha Puntland Faroole iyo musharaxiinta xilkaasi iyagana doonaya inay qabtaan.

Horraanta bisha January ee fooda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa inay Puntland ka dhacdo doorashada madaxtinnimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com