Top News+Dhageyso: Siyaasiga Ugu Tunka Wayn Gobolka Gedo Oo Ku Biiray Shirka Baydhabo Ka Socda

0

Maxamuud-Sayid-Aadan-300x266Baydhabo (AGGM) Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa ku biiray shirka maamul u sameynta lixda Gobol ee ka socda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo shirkaas uu marayo meel xasaasi ah. Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka, ahna siyaasi ka soo jeeda Gedo ayaa sheegay inuu ku biiray shirka maamul u sameynta Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya, isagoo amaanay sida uu shirka u socdo.

“Shirka waa laga soo qeyb galay, wali waa socdaa, waana imaan doonaan dhamaan dadka ka soo jeeda Gobolada lixda gobol, dad muhiim ayaa dhiman wali”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inuu matalayo Gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in Maamul goboleed la dhiso oo dhigaya dastuurka sida uu yiri.

“Maamul goboleedka la dhisayo dastuurka ayaa qaba, dastuurka wuxuu qabaa wax ka badan labo gol inay is dooran karaan oo maamul sameysan karaan, hadana lix gobol ayaa isu tagay”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa ka mid yahay ragga ugu tunka weyn ee siyaasada goboladda jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu yahay nin awood badan oo ciidan iyo mid shacbiyeedba ku leh gobolka Gedo,waxaana uu hadda u olloleynayaa sidii Gobolladda Jubooyinka Iyo Gedo uga mid noqon lahayeen maamulka cusub.

Shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa qorshihiisa yahay in lagu dhiso Maamul Goboleed ka kooban lix Gobol oo kala ah Gobolada Baay, Bakool, Gedo, Shabeelaha Hoose, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Ugu dambeyntii Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu shaaciyey inay ka qayb noqonayaan maamul u sameynta goboladaasi isla markaasna doonayaan inay dalka nabad ku aslaaxiyaan lagu hago nabad iyo horumar la taaban karro.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Maxamuud Sayid Oo Baydhabo Jooga

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com