War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Kismaayo

0

breaking-400x216Kismaayo(AGGM) Waxaa gudhaa magaalada Kismaayo si lama filaan ah saaka waberigii uga qarxay dagaal aad u culus kaasi oo saacado badan ka socda agagaarka madaxtooyada Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo,waxaana saaka dadku hurdada kaga tooseen dagaal aad u lixaad leh oo ka socda bartamaha magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu u dhexeyo ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo ciidamo kale oo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ay ka tirsan yihiin,waxaana dagaalkani yimid ka dib markii xalay gudaha Magaalada Kismaayo lagu toogtey laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo ay dileen kooxo bistoolado ku hubeysan.

Ugu dambeyntii isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ayaa ah mid hawada ka maqan,lama hayo xaqiiqda dhabta ah ee dagaalkaasi khasaaraha uu geystey .

Wararka Dagaalkaasi ka soo kordha kala soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com