Top News: Xilmadhibaanada Baarlamaanka Oo Fursad Dhaqaale Oo Cusub Uga Furantay Xarunta Villa Soomaaliya.

0

xildhibaan1Muqdisho (AGGM): Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday Qorida Xildhibaano cusub oo fulin doono qorshaha xiga Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaliya.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa casuumaad kale duwan loogu fidiyay xildhibaano ka tirsan Xildhibaanoka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo heyb ahaana badankood ka soo jeeda Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo ladoonayo in laga dhadhiciyo in ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dr.  C/weli Sheekh Axmed Maxamed, kaasi oodhawaan uu soo magacaawday Xasan Sheekh oo ay iskula jiraan Ururka Dam Jadiid.

Xildhibaanada ayaa waxaa lagu qancinayaa lacag ka agdhaw tii ay ku rideen Saacid, waxaana xildhibaanada la isugu xirayqabiil qabiil, waxaana qabiilkas lagu qancinayaa in xubno muhiim ah laga siindoono Beeshoda Xukumada cusub iyo lacagaha oo Xildhibanada iyo odayaal la socda la siinayo.

Isku soo wada duuboo xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in hada xildhibaanada la qoray in ay ka badan yihiin 70 kuwaasi oo wali ay socoto qoridooda, si ay markii la horgeeyo ra’iisul Wasaaraha cusub ay u ansixiyaan.

xildhibaan1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com