Top News: Wasiiro La Kala Saftay Beelaha Ay Ka Dhasheen Oo Ku Dagaalamaya Shabeelaha Hoose.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Warar ay heshay Shabakadaan ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ku-simayaasha wasiirada arimaha gudaha iyo garsoorka, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed iyo Cabdullahi Abyan Nuur ay isku dheceen kadib dagaalada soo laalaabtay ee beelaha ay kasoo kala jeedaan ku dhex maray deegaanada gobalka Shabeelaha Hoose.

Isku dhacaan ayaa waxa uu yimid kadib markii wasiirka Cadaaladu uu wasiirka arimaha gudaha ka codsaday in maleeshiyaad kasoo jeeda beeshiisa oo dagaalkaasi hurinaya uu ka dhaadhiciyo in ay ka tanaasulaan rabshadaha hasa yeeshee uu ka hoos qaadi waayay codsigaasi uuna taa bedelkeeda u sheegay in uusan kusoo hadal qaadin waxyaabaha nuucaas oo kale.

Iyada oo dagaalada gobalkaasi ay inbadan soo laalaabteen, inta badanna eeda lasaaro qabiilka uu Wasiirka arimaha guduhu kasoo jeedo ayaa waxaa Cabdullahi Abyan Nuur waxa ku dhiiraday in uu mar kale wasiirka kala hadlo warkii uu dhibsaday, halkaas oo Guuleed uu ku qaatay go’aan cajiib ah,isaga oo u sheegay saaxiibkii hore in uusan kusoo laaba doonin golaha wasiirada maadaama uu iska diiday in uu u hogaansamo amaradii uu siiyay ee ahaa in uusan la hadlin Cabdi Kariim Guuleed ayaa waxa uu yahay ruuxa labaad ee ugu awooda badan Xisbiga haya tala dalka ee Damul-jadiid, waxaana aad loo hadal hayaa in isku dhacooda uu Abyan Nuur ku qasbo in laga reebo liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira eedeeymo culus oo loo jeedinayo beesha Wasiir Cabdullaahi Abyan Nuur in ay dagaalada ay wadaan uu ka dambeeyo gadaalna ka taagan yahay horjooogaha ururka argagixisada ah ee Al Shabaab Axmed Godane.

Isku soo wada duuboo labadan wasiir ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdullahi Aban Nuur ayaa kasoo kala jeeda beelaha ku dagaalamaya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com