Top News: Shariif Xasan Oo Ku Guuleeystay Howsha Uu U Tagay Magaalada Baydhabo.

0

shariif sakiinBaydhabo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaysa in  Shariif Sakiin uu ku guuleystay qorshihii oo u tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay qorshe lagu doonayay in lagu dhiso maamulgoboleed ka kooban ilaa iyo lix gobal, kaasi oo qorshaha ugu weyn uu lahaa Shariif Sakiin.

Shareef Sakiin oo horay u soo noqday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KMG ahaa ee Somaliya ayaa Baydhaba u tagay in uu kala jabiyo Odayaasha oo qaban qaabinayey shir si uu u hir galo qorshe uu isaga damacsan yahay.

Ka hor inta uusan Baydhabo tagin Shariif Sakiin Odayaasha waxa ay is ku waafaqsamaayeen in la sameeyo maamulgoboleed ka kooban ilaa iyo lix gobal iyoga oo hal ujeedo wada lahaa.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aden in uu lacag siiyay qaar ka mid ah Odayaasha kuwaas oo horay u sheegayay in lix gobal ay u sameenayaan Maamul balse hada ka soo horjeestay oo sheegay in sadax gobal loo sameeyo maamul hadii kale iyaga ay garab kale noqonayaan.

Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa hada waxa uu heystaa tiro ka mid ah Odayaasha iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ka dib markii uu ka dhaadhiciyay figirkiisa isaga uu watay sidaas darteed uu dib u dhacay shirarkii la waday.

Isku soo wada duuboo Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa mudooyinkii dambe si weyn uga soo muuqanayey masraxa siyaasada ee Soomaaliya oo ay ugu dambeysay xiligii Dowladdi KMG aheyd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com