Top News: Nin Looga Shakisan Yahay Qaraxi Doraad Ka Dhacay Magaalada Nairobi Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay.

0

qarax12Nairobi (AGGM): Booliska dalka Kenya ayaa qabtay ruux looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay qarax ka dhacay gaari bas ah oo marayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo ay ku dhinteen lix ruux.

Sida booliska ay sheegeena waxaa sii kordhay tirada dadka Weerarka qaraxa, kadib markii labo ruux oo dhaawac ahaa ay ku geeriyoodeen xarumaha caafimaadka.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in ruuxa laga shakiyay la weydiinayo su’aalo la xiriira qaraxa, sida uu sheegay.

“Waxaan heynaa ruux aan ka shakinay, kaasi oo la xeray wax yar kadib markii qaraxa uu dhacay, waxana ku socda baaritaan”ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska ee Nairobi, laakiin wuxuu ka gaabsaday in weerarka uu si toos ah ugu lug lahaa iyo inkale.

Booliska dalka Kenya ayaa sidoo kale soo saaray qoraal iyo sawiro lagu xerayo ruux labaad oo looga shakiyay weerarkii sabtida ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi ka dhacay xaafada Soomaalida ay ku badan ee Islii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com