Top News: IGAD Oo Ergaygeeda Gaarka Ah Ee Soomaaliya U Magacowday Maxamed Cabdi Afey.

0

afeeyAddis Ababa (AGGM):Masuuliyiinta Urur goboleedka IGAD ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Afeey uu yahay wakiilka ururka IGAD ee dalka Soomaaliya, kaasi oo loo magacaabay gelinkii dambe ee shalay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay urur goboleedkaasi.

Warka oo kasoo baxay xoghayaha urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdi Afeey loo rajeynayo inuu wax weyn ka qabto masuuliyada loo magacaabay, waxaana la sheegay inay la shaqeyn doonaan masuuliyiinta kale ee IGAD.

Maxbuub Macalin, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muhiimad gaar ah uu u leeyahay urur goboleedka IGAD, isagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxda dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa horay usoo noqday Safiirkii Kenya ee Somalia sanadkii 2003, isagoo qeyb ka ahaa dadkii ka qeyb qaatay dhismihii dowladii KMG ee lagu dhisay dalka Kenya.

Maxamed Cabdi Afey ayaa laga sugayaa inuu si weyn uga soo dhalaalo jagada uu ka qabtay urur goboleedka IGAD.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com