Top News: Faroole Oo Uga Digay Musharixiinta Inay Hub Iyo Maleeshiyaad La Soo Galaan Magaalada Garoowe.

0

faroole_CaroGaroowe (AGGM): Madaxweynah Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole , ayaa Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada mamulkaas ee inta badan booqda magaalada garoowe wuxuu ka dalbaday inay ka qeyb qaatan ilaalinta amniga magaalada.

Farloole Waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe ay tahay udub dhexeedka Puntland amnigeedna uu yahay mid wanaagsna oo la siku haleyn karo sidaasi darted, wuxuu tilmaamay in loo bahan yahay in musharixiinta markii ay imaanaya ay gudaha magalada lasoo galaan ilaalo tiro yar oo amnigooda ilaaliya .

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Madaxtinimo ay tahay Hal jako loona baahan yahay dadka faraha badan ee isku soo taagaya ay usoo maraan wadada saxda ah iyo ka shaqeynta Amaanka iyo Nabadgelyada.
Magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada Maamuka Puntland waxaa ka sconaya ololihii ugu dambeeyay ee loolanka hogaaminta Maamulka Puntland oo lagu wado in sanadka Cusub ay bilaabato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com