Dhageyso: Abwaan Mustafe “R/wasaaraha Cusub Waxaan U Dirayaa Dhambaal Tacsiyadeed R/wasaarihi Horena Waxaan U Dirayaa Dhambaal Hambalyo”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi ayaa sheegay in uu u Tacsiyeenayo Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mustafe Sheekh ayaa waxa uu sheegay sababta uu ugu dirayo amaba ugu Tacsiyenayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh ay tahay in Masuul u noqday ummad iyo dal wada dhibaateysan oo qaar badaha ku le’enayaan inta kalena wada Qaxooti ah,R/wasaaraha cusub ayaa waxaa horyaal shaqo culus iyo siduu usamata bixin lahaa dadkaa iyo dalkaas ay musiibada ku habsatay.

Abwaan Mustafe ayaa dhinaca kalena Waxa uu Hambalyo u Diray R/wasaarihi Hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid isagoo sheegay in uu ku Faraxsanyahay mar hadii isaga oo Cafimaad qaba, bombo aan loo dhigin, amaba aan la dilin uu xilka ka tagay.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkan Hoose Ka Dhageyso Dhambaalka Abwaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com