Top News: Danjire Mahamet Saleh Annadif Oo Soo Dhoweeyay Magacaabista R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamet Saleh Annadif ayaa soo dhoweeyay magacaabista Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo Khamiistii la soo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Annadif ayaa war qoraal ku soo dhoweeyay sida deg-degga ah ee uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay raysul wasaaraha cusub, si loo dardar-geliyo howlaha muhiimka ah ee hor yaalla dowladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in raysul wasaaraha cusub uu awood u yeelan doono inuu si karti leh u maarayn doono arrimaha xafiiska raysul wasaaraha xilligan xasaasiga ah ee hannaanka siyaasadda Soomaaliya.

Annadif ayaa sidoo kale rajo ka qaba in xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay si dhakhso leh u ansixin doonaan magacaabista Cabdiweli Sheekh.

Wuxuu mar kale ku celiyay in AMISOM ay ka go’an tahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Axaddii shalay sheegay in baarlamaanka uu ka codsanayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in maalinta Arbacada soo socota raysul wasaaraha la hor keeno baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com