War Deg Deg Ah: Maleeshiyaadka Faroole Oo Dib Garoowe Uga Celiyey Musharax Shire Xaaji Faarax

0

M1570094Garoowe(AGGM) Maamulka  Faroole ayaa Maanta u diiday Musharax Shire Xaaji Faarax, oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan in ay u tartamaan Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland in uu gallo Magalaada Garoowe. Waxaana la sheegayaa in Musharax iyo ilaladiisa lagu amray inay dib ugu laabtaan Magaalada Bosaso oo uu ka yimid.

Maleeshiyaad gaar ah oo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku amray inay ciidamadaasi dib ugu laabtaan Magaalada Garowe,waxaana loo hanjabay inay lala dagaalami dooni hadii aysan dib ugu noqon degaanadi ay ka yimaadeen.

Musharax Shire Xaaji Faarax oo wata laba gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inuu hadda dib ugu laabtay Magaalada Bosaso isla markaasna uu jidka ku sii jiro,waxaana uu sheegay in Madaxweyn Faroole arrimo siyaasadeed ka leeyahay inuu dib u celiyo isaga iyo ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa maleeshiyaadka Puntland kala eryeen boqollaal dad ah oo isugu soo baxay Magaalada Garoowe kuwaasi oo doonayey inay u banaan baxaan masuulkaaasi,waxaana sidoo kale la sheegaya in qaarkood xabsiyadda Magaalada Garoowe loogu daabulay ayna ka buuxaan caruur iyo haween.

Ugu dambeyntii Waxgaradka Magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inuu Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu dano gaar ah ka leeyahay caburiinta Musharixiinta,waxaana ay baaq u direen beesha caalamka iyagoo ugu baaqay inuu faroole dhibaato xoogan ka wado gudaha degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe oo u caburin ku hayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com