Top News: Magacaabista R/wasaare C/weli Oo Maanta Laga Taageeray Magaalada Baydhabo.

0

baydhabo1Baydhabo (AGGM): Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, maanta waxaa lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynaye Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed.

Waxaa ka qeybgalay munaasabad Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadii Saacid iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobalka Baay.

Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow oo ku hadlayaay magaca odayssah dhaqanka ee Gobolka Baay ayaa sheegay inay ka dhaqan ahaan ay taageersan yihiin ayna la shaeyn doonaan Ra’iisul wasaaraha usub ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in shacabka iyo Madaxda dalka ay si hufan ula shaqeeyaan R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaanada dalka inay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Munaasabadaan maanta lagu qabtay xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Siihayaha Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaarada warfaafinta Boostaha iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yaroow oo Madaxweynaha Soomaaliya ku amaanay sida uu usoo xulay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Isku soo wada duuboo tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarihiisa cusub, waxaa Magaalooyinka dalka qaarkood ka dhacaye Banaanbaxyo lagu soo dhaweynaye Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com