Top News: Dagaal Beeleed Saaka Markale Ka Bilowday Shabeelaha Hoose.

0

dagaal6Muqdisho (AGGM): Wararkii ugu dambeeyay ee barqanimadaan ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal saaka kabilowday deegaanka Ceel wareegoow.

Dagaalka saaka ayaa la sheegay in ay qaadeen ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah oo wata Shaatiga dowladda kuwaasi oo ku qaaday Beesha dagaalku kala dhaxeeyo.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah Beelaha Dagaalka ku jira oo ay taageerayaan ciidamo dowladeed in ay xoog ku burburiyeen beero qudrad ay ka baxeysay, waxaana jira dhac ay u geeysanayaan dadka Tuulooyinka lagu dirirayo degan.

Dagaalada Gobolka Shabellaha Hoose oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed ayeey dowladda Soomaaliya ku fashilantay in ay hishiis ay dhex dhigto uu guuleeysto, waxaana dagaladu ay yihiin kuwa soo noqnoqday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com