Top News: Amaanka Magaalada Mombasa Oo La Adkeeyay.

0

Kenya policeMombasa (AGGM): Saraakiisha dalka Kenya ayaa adkeeyay amaanka magaalo xeebeedka dalkaasi ee Mombasa kadib markii khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar kaasi oo Alshabaab la sheegay inay la eegteen dalxiisayaal, sida wararka ay sheegayaan.

Booliska ayaa cadeeyay in koox aan la garaneynin ay weerar bam gacmeed ah geysteen, waxaana lagu tuuray gaari ay saarnaayeen dalxiisayaal Britain ah oo marayay aaga deegaanka Likoni.

Taliyaha magaalada Mombasa, Robert Kitur ayaa u sheegay wakaalada wararka dalka Shiinaha ee Xinhua “Shinwaa”, inay wax badan ka qabteen amaanka magaalada waxii ka dambeeyay weerarkii dhacay Khamistii.

Wuxuu sheegay in bamka markii hore inuusan qarxin laakiin ay sameeyeen baaritaan dheer oo ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Koox saraakiil ah iyo qabiiro ay la socdeen booliska ka hor taga weerarada argagixisada ayaa khamiistii booqday goobta falka uu ka dhacay, ka hor inta aan laga saarin waxyaabaha qarxa.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ka hortaga falalka argagixisada ayaa sheegay in qorshaha weerarkii khamiista uu ahaa mid la doonayay in waxyeelo badan uu geysto, laakiin uu fashilmay.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo lala eegto dalxiisayaal ku sugan dalka Kenya, waxii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com