Top News: Jaaliyadaha Soomaalida Ee Kuwait Iyo Sudan Oo Taageeray Magacaabista Raysul Wasaaraha Cusub.

0

hambalyo11Muqdisho (AGGM): Jaaliyadaha Soomaaliya ee Wadamada Sudan iyo Kuwait ayaa si wada Jir ah usoo Dhaweeyay Magacaabista Raysul Wasaaraha Cusub ee Dhawaan Madaxweynaha Xilkaas u magacaabay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait  Mudane Maxamuud Xaaji Axmed “Khumeyni”  ayaa amaan  iyo bogaadin u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida xikamad lahyd iyo waqtiga kooban ee ku soo magaacabey Raysul Wasaare karti waxqabasho leh, taas oo muujineysa sida Madaxweynahu ay uga go’an tahay fulinta lixda tiira iyo gaarsiinta Dalka Horumar iyo nabad waarta.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane C/qaadir Taranbi ayaa isagana war lagu farxo ku tilmaamay Magacabista Raysul Wasaaraha Cusub Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed, isagoo xusay in uu yahay Mas’uul ka bixi kara Xilkaas marka loo eego Shaqooyinkii uu horay usoo qabtay ee ku Xusan Taariikh Nololeedkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com