Top News: Gudiyada Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

0

Mudane-Jawaari-466x350Muqdisho(AGGM) Kulankan maanta ay isgu yimaadeen xubno ka kalasocday 16ka gudi oo uu ka kooban yahay gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasi oo maanta ka dhacay xaruunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajandayaasha looga hadlayay kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa ahaa ilaa afar qodob oo kala ahaa waqtiga ugu haboon ee Ra’iisul wasaaraha cusub la horkeeni karo baarlamaanka Soomaaliya, dhamaystirka howlaha horyaala baarlamaanka ee ah kalfadhigii sedexeed ee 2013, hiigsiga sanadka 2014 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka lahadlay xoghayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Aadan Buux oo ka warbiyay kulankooda iyo waxyaabihii ka soo baxay ayaa yiri

“Kulanka waxaa diiradd lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Shintirka oo ah kalanederka uu baarlamaanka ku shaqeeyo oo ay ku qorantahay waxa uu barlaamka qabanayo ilaa dhamadka sanadka 2014 qodobka labad ayaa waxa looga hadlay kalfadhiga sedexaad, muddeynta ansixinta xukuumadda cusub, Ansixinta miisaaniyadda sanadka 2014-ka Dhameystirka hindise sharciyeedka golaha horyaala mudada gaaban ee kalfadhiga uga harsan”

Gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta badan isgu yimaada kulamo ka gaar ah shirarka caadiga ah ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo inta badan looga hadlo dardargelinta howlaha horyaalla baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com