Top News: Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Weeraro Ku Qaaday Fariisimo Ay Ciidamada Dowladda Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho.

0

SHABKMuqdisho (AGGM): Iska hor imaad culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kadib markii maleeshiyo  hubeysan oo ka tirsan falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen agagaarka Carafaat.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ilaa iyo iminka la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa labo ruux.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in abaarihii 12-kii saq dhexe ay mar qudha ku soo tooseen hubka noocyadiisa kala duwan oo la is weydaarsanayay, waxaana saaka xaafadaha qaar ka socda howl galo ay wadaan ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa saldhigyo ku leh xaafado ku dhow dhow Jidka Warshadaha, halkaasoo xilliyada habeenkii weeraro ay ku soo qaadaan kooxo hubeysan.

Dhinaca kale qarax bambaano ayaa xalay lala eegtay meel ku dhow Daarta Sey-biyaano oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, saddex askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawaca qaraxa ka soo gaaray.

Isku soo wada duuboo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay qaraxyo isugu jira ismiidaamin, weeraro toos ah oo lagu qaadayay saldhigyo ciidamada ku leeyihiin degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com