Top News: Banaanbax Lagu Taageerayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Ka Dhacay Afgooye.

0

banaan-bax-14-620x330Afgooye (AGGM): Banaanbaxani  lagu taageerayay  Ra’isul Wasaaraha Dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dalka ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo isu soo baxaasi uu soo qaban qaabiyay maamulka degmadaasi, waxaana ka soo qeyb galay banaanbaxa qeybaha kal duwan ee bulshada ee ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Duniya Xasan Cali oo ka hadashay banaanbaxa ayaa sheegtay in ay aad ugu qanacsanyihiin magacaabista Ra’isul wasaaraha la magacaabay ee Dr  C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana ay ka rajeysay in waxqabad muuqda uu la yimaado, islamarkaana uu ka samata bixiyo dalka dhibaatooyinka ragaadiyay.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose C/llaahi Maxamed Iideey oo ka hadlay banaanbaxa ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay magacaabista Ra’isul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana uu ugu baaqay baarlamaanka Dalka in codka kalsoonida ay siiyaan Dr C/weli Sheekh, isagoo u rajeeyay in Alle uu ku guuleeyo howsha baaxadda leh ee sugeysa.

Magaalooyinka dalkeena hooyo, iyo meelaha dunida ay kaga sugan yihiin Soomaalida ayaa si isku mid ah looga soo dhaweeyay magacaabista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u magacaabay Dr  C/weli Sheekh Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in waxqabad dhab ah uu la yimaado, waxaana ra’isul wasaaraha cusub laga sugaa ay tahay in dalkani uu ka samata bixiyo dhibaatooyinka ragaadiyay oo qaarkood hadda ay sii dhamaanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com