Arrin Mucjiso Ah: Wadaad Isagoo Tukanaya Caawa La Toogtey,Inaa Lilaahi Waa Inaa Ilahayi Raajicuun

0

bistoolad5Muqdisho(AGGM) Warbixin naxdin leh oo daqiiqado ka hor naga soo gaartay Dagmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayso in kooxo hubaysan ay Qaarajiyeen Wadaad Imaam ka ahaa Masaajid kuyaalo Xaafada Xamar Bile ee Dagmada Wardhiigleey .

dilka wadaadka ayaa dhacay Xili uu gudanaayay Salaada Maqrib oo uu tujinaayay Jamaacada Masjidka ku oogaysay Salaada Maqrib , waxaana gaystay dilkiisa laba dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bistoolado kuwaas oo isla markiiba ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen oo ahayd Masaajid uu iimaamka ka ahaa wadaadka la dilay  .

Jamaacadii Salaada Maqrib ku oogaysay Masjidka ayaa kala firxatay kagadaale Markii la toogtay Imaamkii Masaajidka kaas oo ugu yaraan 3 Xabadood lagala beegsaday Madaxa Xili uu u fadhiyay Ataxyaadkii Labaad waxaana Masjidkii ka dhacay kala carar Xili wali aan la dhamaysan gudashada Salaadii Maqrib .

Wali lama qaadin Maydkii Imaamka waxaana jirto Cabsi xoogan oo soo wajahday dadka ku dhaqan Xaafada Xamar Bile taas oo ka dhalatay dilka foosha xun ee loo gaystay wadaadkaan oo caan ka ahaa deegaanka Xamar Bile .

inta badan dadka ku dhaqan Xamar Bile Waxay  isweydiinayaan Sababaha dhaliyay dilka Wadaadkaan oo aan ku lug lahayn wax siyaasad ah Sida loo Xaqiijiyay Wariyeheena Magaalada Muqdisho .kaas oo la dilay xili uu oogaayay Salaadii waajibka ahayd .

 

Ma  jirto wax Ciidamo ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo soo gaaray goobta si ay u baaraan falkaan dhacay taas oo ay dadka Rayidka ah ee  ku dhaqan deegaankaas ku dhaliileen Ciidamda Amaanka ee Dowlada Soomaaliya oo ka gaabiyay Sugida Amniga & Waliba gurmad u fidinta goobaha ay dhibaatadu ka dhacdo sida Shaqaaqadaan oo kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com