War Deg Deg Ah+Daawo Sawirada: Falaagada Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Magaalada Nairobi.

0

breaking-400x216Nairobi(AGGM) Falaagada Alshabaab ee ka dagaalanta koonfurta dalka Soomaaliya la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen weerar culus oo ka dhacay Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii,waxaana la sheegayaa inay weerarkaasi ku qaadeen gaari nooca caasiga ah oo ay la socdeen dad isugu jira Soomaali iyo Kiiniya.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay inay fuliyeen Kooxda falaagada ah ee Alshabab ee weerarada ku qaada gudaha dalka kiiniya,waxaana ay la shaaciyey in weerarkan caawa ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 ruux oo saarnaa gaariga MINI BUS ka, Gaadiidka dhaawaca qaada ayaa la sheegaya inay halkaasi hadda ku sii wajahan yihiin sidii ay u guri lahayeen dadka ku wax yeeloobay weerarkaasi.

Soomaalida ku dhaqan Xaafada Isli ayaa la sheegaya inay ku kala cararen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba in ciidamada Booliska Kiiniya ay qabqabtaan isla markaasna dhibaato ka soo gaarto maadama inta badan ciidamada kiiniya gacanta ku dhigaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeyntii caawa ee xaafada soomalidu ku badan tahay ee Isli ayaa ah mid kacsan isla markaasna ciidamada amaanka kiiniya soo buux dhaafiyeen,waxaana baaritaano ay ku wadaan meesha dhibaatadu ka dhacday, lamana yaqaan ilaa iyo hadda in ciidamadu gacanta ku dhigeen dadkii weerarkaasi fuliyey iyagoo hadda ka hor falaagada argagixisada ah ee Alshabaab dhibaatooyin xoogan ka fuliyeen gudaha Magaalada Nairobi.

nai1 nai

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com