War Cusub: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Amar Ku Bixisay Inay Kismaayo Ka Baxaan Dadka Ka Soo Horjeeda.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee awoodoodu ku kooban tahay Magaalada Kismaayo ay ka hadleen dilalka ka dhaca Magaalada Kismaayo, xilli maalmahan dambe amnixumida Kismaayo kusoo badaneysay.

Mursal Maxamed oo ah Horjooge kuxigeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni dhinaca Nabadsugida magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay amar ku siinayaan cid waliba oo kasoo horjeeda Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inay isaga baxaan magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in amnidarada Kismaayo ay wadaan rag Magaalada ku nool oo xaasas udagan Magaalada, wuxuuna sheegay in xitaa ay amar siinayaan raga dhibaatooyinka wada xaasaskooda inay Magaalada isaga baxaan.

Horjoogaha, ayaa sheegay si loo sugo amniga guud ee Kismaayo in loo baahan yahay dhamaan shacabka Magaalada kunool inay si wadajir ah uga soo horjeestaan cidwaliba oo falal lidi ku ah dhanka ammaanka ka geysanaysa Magaalada Kismaayo.

Wuxuu carabaabay meel waliba oo qarax uu ka dhaco cida ka agdhaw inay kala wareegayaan goobtaasi, qofka mehradaasi lehna la xirayo, isaga oo intaasi raaciyay in loo baahan yahay goobaha ganacsiga in lagu xiro nalal habeenkii iftiimiya Magaalada.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka loo geysto saraakiisha ciidanka ee Magaalada Jooga, waxaana ugu dambeeyay dilkii dhawaan loo geystay sarkaal lagu magacaabo Cabdi Madoobe oo Axmed Madoobe si aad ah ugu dhawaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com