Top News: Danjire Nicholas Kay Oo Gaaray Magaalada Beledweyne.

0

Nicholas-Kay.Baledweyne (AGGM): Wakiilka gaar ah ee Xog-hayaha guud ee QM Nicholas Kay ayaa markii ugu horreysay maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay danjiraha markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne in socdaalkiisan uu noqonayo kii ugu horeeyay eek u tago gobollada dhexe, islamarkaana siweyn ugu faraxsan yahay imaasihiisa Beledweyne.

Nicholas Kay oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu Baladweyne yihiin tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Safarka uu maanta ku yimid magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili maamulka iyo shacabka ku dhaqan gobolka ku diyaar-garoobayaan dhismaha maamul ku yimaada hab doorasho oo laga hergaliyo gobollka Hiiraan.

Wakiilka iyo xubnaha la socday ayaa waxaa ammaankooda sugayay ciidan ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee Baladweyne ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com