Top News +Daawo Sawirada: Raysal Wasaaraha JF Soomaliya Ayaa Maanta Khadka Telefoonka Uga Qeyb-galay Bananbax Lagu Taageerayay Magacaabistiisa Oo Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

0

waaq1Caabudwaaq (AGGM): Banaanbaxan maanta ka dhacay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa soo agasimay maamulka degmada ee Dawlada faderaalka Jamhuuriyada Somaliya waxaana codkiisa oga soo qayb galay Raysal Wasaaraja jamhuuriyada Faderaalka Mudane C/wali Sh. Axmed

Raysal wasaaraha ayaa munaasabadan uga qaybgalay qadka telefoonka waxaana codkiisa loo xariiriyay si ay u wada maqlaan Dadka ka soo qaybgalay dibadbaxa lagu taageerayay magacaabistiisa ayaa lagu xiray codbaahiyeyaal si loo wada gaarsiiyo khudbada Raysal wasaaraha.

Ugu horayn Raysal wasaaraha dalka waxaa uu uga mahad ceshay dadka dibad baxayay maanta  taageerada ay u hayaan bulshada gobolka Galgaduud Dawlada Faderaalka Somaaliya Waxaana uu yiri.

“ Waxaan mahad celin balaaran idiin kaga celinayaa taageeradiina aad u haysaan Dawlada Dalka ka jirta waxaana idiin ka codsanayaa in aad iigu ducaysaan in Alle ii sahlo si aan dalkeena u sama bixiyo”

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada ee Dalada faderaalka Mudane Axmednaasir  Jaamac (Dhirif) ayaa ugu rajeeyay madaxda dalka si wada jir ah inay noqdaaan kuwo horay oga dhaqaajiyay marxalada haatan uu
dalku marayo waxaana madaxwaynaha Jamhuuriyada uu oga mahad ceshay magacaabista Raysal Wasaare C/wali .

Ugu Dambayn banaanbaxan ayaa ku soo dhamaaday jawi nabadeed waxaana dadka ka qayb galayay ay wateen Calanka Jamhuuriyada iyo Sawirada Madaxda Dalka.

DSC00659

DSC00669 DSC00668 DSC00667 DSC00666 DSC00665 DSC00664 DSC00663 DSC00662 DSC00661 DSC00660 DSC00658 DSC00657 DSC00656 DSC00655 DSC00654 DSC00653 DSC00652 DSC00651

C/kariin Axmed bulxan
Caabudwaaq, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com