Top News: Beelaha Reer Cabdulle & Cawlyahan Oo Iska Ugaarsanaya Madaxda

0

top-newsKismaayo(AGGM) Iyadoo maalmihi la soo dhaafay Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose  ay ka dhacayeen dilal lagu ugaarsanayey madaxda Maleeshiyaadka raaskamoonbiyiinta,Waxaana la ogaaday in dilalkaasi yihiin kuwa siyaasadeysan isla markaasna sababay inuu xilaaftan xeeledaysani uu ka dhex jiro labada beelood ee walaalaha ah oo ku loolamaya maamulida ilaha dhaqaalaha magaalada Kismaayo.

Maalmihi la soo dhaafaya waxa isagoo Masaajid ka soo baxay si bareer ah loogu dilay Magaalada Kismaayo Marxuum  Macalin Axmed oo ka tirsanaa Saraakisha Maleeshiyaadka Raaskambooni isagoo la sheegay in xil sare loo waday in loo magacaabo isla markaasna la shaaciyey in arrimo siyasadeysan loo diley.

Habeen hore waxaa sidoo kale dil qorsheysan lagu diley alle ah u naxariistee Cabdi Heybaan ( Cabdi Madoobe ) oo ka mid ahaa saraakisha sar sare ee ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni oo isna la sheegay in la doonayey in laga dhigo Taliyaha ugu sareya Ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la helayaa xog ku aadan inay dilkiisa fuliyeen rag diidan in xilkaasi loo magacabo oo ka hortagayey magacaabistiisa.

Labada Beelood ee Reer Cabdulle & Cawlyahan ayaa hadda xaaladoodu tahay mid culus isla markaasna waxaa wararku sheegayaan inay jiraan waxgarad ku hawlan sidii arrintaasi loo soo afjari lahaa balse waxaa meesha ka maqan dadkii dilay nimankaasi oo aan ilaa iyo hadda gacan buuxda lagu dhigin.

Ugu dambeyntii maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegaya inay dhexdooda is ugaarsanayaan isla markaasna ay doonayaan inay iska ugaarsadaan ragga hal doorka ah iyadoo la aaminsan yahay inay arrimahaasi salka ku hayaan sidii qabiil kastaa awood buuxda ugu yeelan lahaa xilalka sar sare ee la magacaabayo balse waxaa arrintaasi hor taagan dilal lala beegsanayo marba ninka Miiska saaran ee la magacaabi rabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com