R/wasaare Cabdiweli Sheekh Ragga Yiri Waa Damu Jadiid Iyo Jubbaland Ayuu Taageeraa Waxa Ay La Mid Yihiin Rag Yiri George Bush Waa Islaam Ama Falastiin Ayaa Taageerta Go’aamada Israaiil.

0

cabdiweli sheekh2Wararka la isla dhex marayo amaba warar ay Warbaahinta Muqdisho iyo kuwa dalka dibeddiisa qaarkood daabaceen ayaan markaan arkay amaba akhristay aad u qoslay, wararkaas oo ay ku sheegayeen in Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uu ka tirsan yahay urur diimeedka Damu Jadiid iyo ururo kale, haddaba R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ninka yiri waxa uu tirsan yahay urur Diimeedka Damu Jadiid waxa uu la mid yahay nin yiri George W. Bush Waa Nin Islaam ah.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu ka soo jeedaa qoys Ahlu Diin ah Aabihi Sheekh Axmed waxa uu ka mid ahaa Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca kuwa sida aadka ah looga yaqaan Gobolka Gedo, shuqul iyo shaqana kuma uu laha kooxahan Wahaabiyada ah ee waayahan dambe soo buux dhaafiyay dalka Soomaaliya.

R/wasaare Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Nimaan Aqoon Baa Hadalka Qaarki Yiraah, anoo taa ulla jeeda waa leeys baran’e mar uun shaqada ha bilaabto.

Waxaa xaqiiqo ah in urur diimeedka Damu Jadiid ay la wareegeen awooda dalka iyo tan Villa Soomaaliya oo uu Madaxweyne Xasan Shiikh ka tirsan yahay iyo qaar ka mid ah golihi Wasiiradi hore ay ka tirsan yihiin, balse waxaa xaqiiqo ah in R/wasaare C/weli Sheekh uu ka tirsaneyn urur diimeedka Damu Jadiid.

Dhinaca kale waxaa jira warar ay maalmahan niyada ku dhisanayeen Warbaahinta u ololeeya amaba taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kuwaa oo sheegay in R/wasaaraha Cusub uu aad u taageersan yahay unna ololeeyo fikradaha guracan ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyaguna waxaan u sheegayaa “Dawaco Meesheey Hilib Uga Baratey Macaluul Ugu Baqtidaa” xisaab qaldan ayaad isku geegeeyseen ee dib ugu laabta xisaabtaas.

Isku soo wada duuboo bal aanu ka war dhoowrno wadadda uu qaado R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed koleey sidaan filayana gari laba nin kama wada qosliso ama anaa run sheegoo saxan ama raggaa kale waxay ku sheegeen R/wasaare Cabdiwali ayaa saxan oo rumoobaya.

Maxamed Saciid Cali
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com