Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Dhoobley,Khasaarena Ka Dhashay

0

353Kismaayo(AGGM) Wararka ka imaanaya Degaanka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu Qarax khasaaro xoogan gesytay uu halkaasi ka dacay islamarkaana ay ku waxyeeloobeen Haween ka shaqeenayay Nadaafada.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday labo Ruux oo ka tirsanaa Haweenka halkaasi ka waday Howlaha Nadaafadeed iyadoona aan la ogeyn Cid ka dambeys Qaraxan ka dhacay Degaanka Dhoobley.

Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni oola hadlay Allgalgaduud ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxan u dhacay iyo cid ka dambeysa.

Qaraxyada inta badan ka dhaca Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegta Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Alshabaab ayaa la sheegayaa inay dagaalo aan kala joogsi lahayn ku hayaan farisiimaha maleeshiyaadka Raaskambooni ee ay ku leeyihiin duleedada magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com