Dhageyso: Faah Faahinta Qasaraaha Uu Reebay Qaraxi Xalay Ka Dhacay Magaalda Wajeer Ee Dalka Kenya.

0

WarbixinWajeer (AGGM): Hal ruux ayaa geeriyooday seddex kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib qaraxyo ka dhaceen degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, maalinadii shalay sida ay sheegeen ilo ka tirsan laamaha amaanka ee deegaankaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay inay ka dhaceen deegaan Soomaalida ay ku badan yihiin oo lagu magacaabo Baraza Park,iyadoo dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaal ku yaala deegaanka.

Booliska ayaa sheegay in weerarka ay kaga shakisan yihiin in loo adeegsaday bam gacmeed ama aalado qarxa oo goobta yiilay, laakiin waxay booliska deegaanka ay xaqiijiyeen inaysan cadeyn karin nooca qaraxyada.

Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya ayaa sheegtay in qaraxa kadib ciidamada ay xaqiijiyeen ammaanka goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ee Soomaaliya ayaa marar badan qaaday weeraro qaraxyo oo ka dhacay dalka Kenya,iyadoo talaadadii lasoo dhaafay la sheegay in shan saraakiisha booliska kamid ah ay koox ka tirsan Alshabaab ay dileen kadib weerar ka dhacay dalkaasi.

Falaagada Alshabaab ayaa kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Kenya ee dalka Somalia.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Qaraxa Wajeer

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com