Wariye caan ah oo ka shaqeeya VOA oo ku tilmaamay magacaabista Dr, Abdiweli Shiikh maalin madow iyo kacdoon uu ku baaqay. Maxay tahay sababta?

0

ColomboLondon(AGGM) Wariye Abdullahi Nur Kolombo ayaa khamiistii shalay ku tilmaamay maalin madoow oo halis wajahday jiritaanka iyo magaca umadda Soomaaliyeed.

Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia yahay nin qayaalad iyo hanti boob ku caanbaxay sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo.

Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somalia u sii fogeeyo u habar wacdey Ra,iisalwasaare Dam jadiid ah ,oo qabyaaladna ay biyo dhigatay Inta Xasan Garguurte iyo Dam Jadiid ay Somalia hogaamiyeyaal u yahiin Somalia cadaabteedii aduunka ayey ku qaadaneysaa inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somalia ka taagan waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Dam jadiid waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa sidii cadowgaas aadka u xun ee Dam jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankeyga aan jeclahay ee Somalia.

Shacbiga Somaliyeedow mudo dheer baad hurdo ku jirteen waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen masiirkiinana aad ka tashan laheydeen kooxda yar ee dam jadiid intey qol isku soo xiraan ayey shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra,iisal wasare ,tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo.

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan dam jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somalia ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’isulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984 qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.

Ninka nuucaasa miyaa maanta Somali hogaamin kara? Jawaabta waa maya .

By Abdullahi Nur Maxamed Kolombo abdlahi63@hotmail.com

ku soo hagaaji waxii aragti ah walaal

https://www.facebook.com/abdulahinurcolombo?fref=ts

Email: abdulahi63@hotmail.com

Afeef: Qoraalkan waxaa Soo Qorey Soona Direy Qoraaga Magaciisu Ku Saxeexan Yahay,Masuul Kama Ahan Allgalgaduud.com

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com